Dagaal Saaka ka qarxay Shabellaha Hoose

Buula-mareer (KON) - Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ayaa Saaka ka qarxay Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan inta u dhaxeeysa Golweyn iyo Buula-mareer.
Warar Keydmedia Online
Dagaal Saaka ka qarxay Shabellaha Hoose

Weerarka ayaa Bilowday Saaka Salaadii Subax ka dib waxaana  Dagaalka qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” oo la hadalay VOA ayaa sheegay in Ciidamada iskaadhanaya ay la wareegeen Golweyn oo hada ay qarka u saran yihiin Magaalada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha Shabeelaha hoose ayaa sheegay in guud ahaanba goobaha ay Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM uga suganyihiin gobolka ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan goobaha Al-shabaab ay uga harsanyihiin gobolka.

“Howlgalka dowladu waxaa ay ku dhawaaqdaa marka ay ku guuleysato, Argagixisada ayaa waxaa ay dadku yihiin kuwo aad u Dhibsaday taliskooda Gumeysiga ah, Golweyn oo aan hadda Joogo dadku waa ay isu soo baxeen iyagoo nagu soo dhoweynaya inaga iyo Walaalaheena AMISOM, waana sii dhaqaaqi doonaa oo waxaan ku wajahanahay goob kasta oo Al-shabaab lagu sheego” ayuu hadalkiisa ku daray.

Siisii ayaa sheegay in ay Al-shabaab Dagaalka Jab loogu geeystay oo Maleeshiyaad farabadan Dagaalka Saaka looga dilay, dhankooda ma sheegin wax khasaaraa oo soo gaaray.

Dadka Deegaanka ayaa Keydmedia online u sheegay in ay Arkeen Ciidamadii ugu badnaa ee iskugu jira AMISOM iyo kuwa Dowladda oo kuwaas oo Dagaalka qeyb ka ah.

Faa-faahin  kala soco  Keydmedia.net

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho