Dagaal Saaka markale ka Qarxay Duleedka Baardheere - Warbixinta Keydmedia

Baardheere (Keydedia) - Dagaal culus oo aan waxbo la iskula harin ayaa saaka markale dib uga qarxay duleedka Degmada Baardheere gaar ahaana Deegaano hoos taga Baardheere.
Warar Keydmedia Online
Dagaal Saaka markale ka Qarxay Duleedka Baardheere - Warbixinta Keydmedia

Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu saaka uu ka qarxay meel 6KM Degmada Baardheere kaga beegan dhanka Deegaanka Juungal oo ay shalay Ciidamada huwanta ah kala wareegeen Kooxda Shabaab.

Goobjoogayaal Baardheere ku suggan ayaa Keydmedia u sheegay in xaalada Magaalada ay aad u kacsantahay, waxaana hubka ay dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan uu soo gaarayaa qeybo kamid ah Magaalada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ka hadlay dagalaka ka socda duleedka Baardheere waxaa ay sheegeen in ay saacadaha soo aadan ay la wareegi doonaan Degmada Baardheere oo ah saldhigga ugu weyn ee ay kooxda shabaabku ku leeyihiin gobolka Gedo.

Kooxda Shabaab waxaa ay dhinacooda ay wadaan iska caabin xoogg leh waxaana furumaha dagaalka soo gaaraya gurmadyo Shabaab uga imaanayo qaar kamid ah meelaha ay ka arrimiyaana.

Khasaaraha dagaalka hadda lama ogaan karo maadaama uu wali dagaalku socdo.

Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url] - Xafiiska Kismaayo




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.