Dagaal xoogaan oo Saakay ka bilaawday Deegaanka Jaziirra ee duleedka Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa Daqiiqado kahor ka bilaawday Deegaanka Jaziirra ee Duleedka Degmada Wadajir magaalada Muqdisho Dagaal xoogan oo Qasaare badan ka dhashay.
Warar Keydmedia Online
Dagaal xoogaan oo Saakay ka bilaawday Deegaanka Jaziirra ee duleedka Muqdisho

Dagaalka oo sida la sheegayo ah mid aad u xoogan ayaa waxaa uu ka danbeeyey kadib marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabab weerar kusoo qaadeen fariisimaha ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM halkaasi ku leeyihiin.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee maamulka Wadajir ayaa ii xaqiijiyey in dagaalka uu xilligaan si aad ah u soconayo, hase yeeshee aanu sheegi karin qasaaraha.

Warar Keydmedia so gaaray ayaa sheegaya in ilaa hada 4 kamid ah Ciidamada Amisom iyo TFG-da meshaas ku dhinteen.

Maalmihi lasoo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegayey in Al Shabab ay soo buuxdhaafiyeen

Wixi kusoo kordho kala soco Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho