Dagaalka Villa Somalia iyo Mucaaradka ee Hirshabelle oo xoogeystay

Hardanka loogu jiro hanashada hoggaanka Hirshabelle ayaa muhiim u ah doorashooyinka Federaalka ee soo socda.

Warar Keydmedia Online
Dagaalka Villa Somalia iyo Mucaaradka ee Hirshabelle oo xoogeystay

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Somalia oo maanta guushii ugu horreysay ka gaartay doorashada Hirshabelle, kadib shaqsi ay wateen oo loo magacaabay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ayaa dhanka kale waxay dagaal culus kala kulmeysaa mucaarada.

Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale oo aad mucaarad ugu ah Villa Somalia sida C/laahi Sabaloolshe ayaa maanta ku noqday magaalada Jowhar, si ay kaalintooda u muujiyaan.

Mucaaradka ayaa wata musharraxiin ay la doonayaa xilka Madaxweynaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle, waxaana sidoo kale halkaasi ay ku bixin doonaan lacag badan si Villa Somalia ay uga adkaadaan.

Inkastoo Villa Somalia ay iyada xitaa geystay goobta xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Labaad, ayaa hadana Mucaaradka wuxuu isku deyayaa inaanu quusan.

Fahad Yaasiin ayaa faragelinta ugu weyn ku haya doorashada Hirshabelle, waxaana golaha Baarlamaanka la dhisay iyadoo ay kasoo horjeedaan waxgaradka qaar ka mid ah beelaha deggan Hiiraan.


Akhriso: Faragelin Fahad Yaasiin ee doorashadda HirShabeelle

Villa Somalia ayaa horey ugu guuleysatay iney gacanta soo gashato maamullada K/galbeed iyo Galmudug, uljeedka arrintan laga leeyahay ayaa ah in Farmaajo uu dib ugu soo noqdo doorashada dhici doonta Febraayo 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.