Dagaalkii Baled-xaawo oo xal laga gaaray

Baled-xaawo (KON) - Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Max’ed Cabdi kaliil ayaa sheegay in Xal laga gaaray Dagaalkii Bishii hore ka dhacay degmada Baled-xaawo.
Warar Keydmedia Online
Dagaalkii Baled-xaawo oo xal laga gaaray

Max’ed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Heshiis hordhac ah laga Gaaray dagaalkii Degmada Baled-xaawo ee dhexmaray Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Baled-xaawo iyo Doolow.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa Xusay in Maleeshiyadii dagaalamay la kala qaaday, oo arrintaas ay qeyb ka qaadatay Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya.

Maleeshiyaadka ayaa waxaa uu sheegay in la Qarameenayo oo Ciidamada Dowladda Federaalka lagu darayo sida uu yiri Kaliil.

Sidoo kale Kaliil ayaa tilmaamay in Odayaasha Dhaqanka ee Labada Dhinac ay xalka Qeyb ka qaateen.

Dagaal Dad badan ay ku dhinteen ayaa Bishii hore ka dhacay Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho