Dagaallamayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay DFS

Saddex qof oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka gobolka Gedo iyo taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolkaasi.

Warar Keydmedia Online
Dagaallamayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay DFS

Raggan is soo dhiibay ayaa kala ah, Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay  Qori AK47 & , Cabdicasiis Maxamed Koosaar.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee raggan soo bandhigay ayaa ugu horreyn sheegay iney ku faraxsan yihiin in dhallinyarada Soomaaliyeed ku baraarugaan qatarta Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin & mas’uuliyin kale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay xiriir la soo sameeyeen mas'uuliyiin ku sugan Gedo.

Dhallinyaradan ayaa u sheegay dhankooda warbaahinta, in ay ka howlgeli jireen deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo, balse ay haatan ogaadeen in waddo qaldan ku socdeen.

Al-shabaab oo baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayaa dhallinyarada ku jiheeya waddo an sax ahayn, balse hadda dhallinyarada ayaa u muuqda kuwo ku baraarugay dhagarta kooxda, bilaabayna iney isaga soo baxaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.