Dagaalo iyo Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay Jaziirada Madhawa {Dhageyso}

Madhawa (KON) - Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Goboka Jubbada Hoose Faarax Heebe oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Kooxda Al-shabaab ay Madaafiic ku Garaacen Jasiirada Madhawa ee Gobolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Dagaalo iyo Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay Jaziirada Madhawa {Dhageyso}

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Madaafiicdaasi ay Al shabaab ku garaaceen Deegaanka ay ku Geeriyoodeen ugu yaraan Shan Ruux  oo Rayid ah islamrkaana ka mid ahaa Dadka ku nool Jasiirada Madhawa.

Waxuu sheegay Faarax in Kooxda Al-shabaab ay Go’doomiyeen Jasiirada Madhawa. Ugu yaraan 7 ka tirsan Kooxda Al shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay Dagaaladii & Duqeymihii ugu danbeeyay ee ka dhacay Deegaankaasi.

Deegaanka go'doonsan ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya & Maleeshiyada taageerta ee Raas Kambooni kuwaasi oo hareeraha ay ka joogaan Al shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho