Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaalka ayaa wali ka socda halkii uu ka bilowday iyadoona aanay jirin wax horumar ah oo ay labada dhan kala gaareen marka laga soo tago dhbaateynta shacabka Masaakiinta ah.
Saakay ayaa xabada waxa ay ka dhaceysaa inta u dhaxeysa isgoysyada dabka iyo Bakaaraha oo ay kol hore isku hor fadhiyeen kooxaha, waxaana saameynyta ugu weyn ee dagaalka laga dareemayaa degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo wardhiigley oo mar leysula durkayo.
Inta ilaa iyo hada aan xogtooda helnay waxaa ku geeriyooday Dagaalka saakay 5 ruux oo rayid ah iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale kuwaas oo madaafiicda ay ku haleeshay guryahooda iyo wadooyinka.
Dhinacyada ku lugta leh dagaalka ayaa mid walba waxa uu ku faanay inuu natiijo wanaagsan uu dagaalka ka gaaray isla markaana uu ka lib helay dhanka kale ee ay dagaalamayaan.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments