Dagaalo mar kale ka bilowday Muqdisho

Waxaa saakay Salaadii Subax kadib dib uga qarxay Degmooyinka dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Muqdisho dagaalo u dhaxeeya dhinacyada ku lagdamaya gacan ku heynta Magaalada
Warar Keydmedia Online
Dagaalo mar kale ka bilowday Muqdisho

Goobjoogayaasha deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in ay maqlayaan daryanka Hub culus oo ay labada dhan is weedaarsanayaan iyadoona dagaalka uu ku sii siqay degmada Kaaran waxaana hadda uu ka socdaa Xaafada Arjantiin ee Degmada Kaaraan.

Dagaaladan ayaa daba socda kuwa afartii casho ee la soo dhaafay u dhaxeeyay dhinacyada, iyadoona ay ka kala sheegteen guulo iyo horumaro Milatari.

Wixii ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa INSHA_ALLAAH

keydmedia.net




Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.