Dagaalyahano Shabaab Ka Soo Goostay oo Isku Dhiibay Saraakiisha Dowladda Ee Gedo

Garbahaareey (KON)- Dagaalyahano horay uga tirsanaan Koxoda Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku suggan gobbolka Gedo.,
Warar Keydmedia Online
Dagaalyahano Shabaab Ka Soo Goostay  oo Isku Dhiibay Saraakiisha Dowladda Ee Gedo

Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobbolka Gedo oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay isku soo dhiibeen ilaa 20 nin oo ka soo goostay Al shabaab, isagoo intaasi ku daray in ragga isa soo dhiibay wateen hub iyo agab dagaal.

Mr Diyaad ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi isa soo dhiibay ay soo dhaweyn wanaagsan ay u sameeyeen, oo ay geeyeen goobo gaar ah oo lagu heyn doono kuwaasoo ku yaalla magaalada Garbahaareey sida uu hadalka u yiri.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.