Dagala wali ka socda Muqdisho

Muqdisho(keydmedia) Waxaa maagaalada Muqdisho wali ka socda dagaalo iyo duqeymo mataana ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah eek u nool magaalada.
Warar Keydmedia Online
Dagala wali ka socda Muqdisho

Inkastoo labada dhinac ee dagaalamaya ay isku horfadhiyaan xaafada Siigaale iyo agagaarka Tarabuunka ayaa waxaa jira in madaafiicda ay gaareyso meela ka fog fog goobaha leysku hayo.

Madaafiic ku dhacday gudaha Suuqa bakaaraha gaar ahaan Cabdalle Shideeye ayaa waxaa ku geeriyooday 5 ruux iyadoona gooba kale ay ku dhinteen dad ku dhaw toban ruux waxaana la warinayaa dhaawaca inuu ka badanyahay 20 ruux.

Dhinacayada dagaalamay ee dowlada oo taageera ka heleysa Amisom iyo xoogaga mucaaradaka ayaa ku kala faanay in qasaaro is gaarsiiyeen iyadoona aanu jirin dhinac sheegay inuu mas’uul ka yahay dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Www.keydmedia.net