Dalka oo maanta si weyn looga dabaal degay Ciidda Carafo

Gayiga ay soomaalidu degto ayaa maalinta Koobaad ee Ciidul Adxaa si wayn looga dabaal degay, magaalooyinka waawayn ee ddalka ayayna ka socdaan dabaal degyo lagu weyneynayo, maalinta 10aad ee bisha Carafo.

Warar Keydmedia Online
Dalka oo maanta si weyn looga dabaal degay Ciidda Carafo

MUQDISHO, Soomaaliya - Guud ahaan shucuubta Muslimiinta ee ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn maanta ugu dabaal degaya munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidda Carafo.

Dhamaan gobollada dalka ayaa laga oogay takbiirta, waxaana socda dabaal degyo lagu soo dhaweynayo maalinta Tobonaad ee Bisha Dul-Xijah, oo ah mid ka mid ah labada Ciid ee Islaamka.

Madaxda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan, ehellada iyo asxaabta, ayaana isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Kumanaan Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan ee Xajka.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa hambalyo ku aadan muanasabadda ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed.

Ciid al-Adxa oo sidoo kale loo yaqaano Ciidda Carafo waa ciida labaad ee dadka muslimiintu u dabaal degaan, iyagoo cibaadooyin cayiman Alle ku caabudaya, waxay ku beegantahay 10-ka bisha Dul-xijah ee Taariikhda Hijriga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.