Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah - MW Shariif

Hoggaamiyaha Xisbiga Himillo Qaran, ayaa carabaabay in marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada ay sii kordhayaan halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya ee gaabiska ku socotay muddada fog.

News Keydmedia Online
Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah - MW Shariif

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in waddanku ku jiro marxalad halis ah, kadib markii ay soo baxeen digniino kala duwan oo ka imaanaya hay’adaha dhaqaalada adduunka iyo dalalka daneeya arrimaha  Soomaaliya.

Bishii hore, Hay’adda Lacagta Adduunka IMF, ayaa sheegtay in dib u dhaca doorashada Soomaaliya uu dhibaato ku yahay, deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda dalka, taakulada ciidamada, qorshaha deyn cafinta iyo horumarka guud ee dhaqaalaha waddanka.

Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya, ayaa u sheegtay Reuters, in wixii ka danbeeyay 17ka May 2022, Soomaaliya looga fadhiyo in ay yeelato dowlad cusub,  si uu u sii socdo la macaamiiltanka dowladda Federaalka, ama ay istaagi doonto taageerada.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo danjiraha Mareykanka Lary Andre, ayaa sidoo kale, shalay muujiyay walaaca laga qabo in qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya uu dib u dhac ku imaan karo, marka la gaaqro bartamaha May.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, oo ka hadlayay, xaaladadaha soo cusboonaaday, ayaa muujiyay qatarta ku gadaaman deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda iyo in hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.

“Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, waxaa la ogsoonyahay amni darrada baahsan iyo in  hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida: IMF and WB ay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada”, ayuu yiri Shariif.

Hoggaamiyaha Xisbiga Himillo Qaran, ayaa carabaabay in marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada ay sii kordhayaan halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya ee gaabiska ku socotay muddada fog.

Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu hoggaamiyo RW Rooble, iyo Guddiyadda doorashooyinka ayuu ugu baaqay in ay mas'uuliyadda qaataan, una istaagaanin in dalku yeesho hoggaan rasmi ah oo lagala xaajoodo ka hor xilliyada waqtiyeysan.

Shariif Sheekh Axmed, wuxuu soo jeediyay in la dhaariyo Xildhibaanada hadda doorran si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran, oo ah in ay doortaan guddoonka Golayaasha baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bar-billowga qorshaha deyn cafinta, ayaa yimid, sanadkii 2013, markii Maraykanku uu u aqoonsaday dowladnimada Soomaaliya in ay ka baxday ku meel gaar-nimadii, markaas oo  IMF iyo World Bank ay dib u soo celiyeen xiriirka shaqo ee Dowladda Federaalka.

Bar-dhamaadka barnaamijka deyn cafinta ee IMF, dijisay, (point of completion) wuxuu ahaa, in Soomaaliya is beddel weyn ka sameyso dhaqaalaha, taas oo u  suurta-galinaysa in ay ka mid noqon karto dalalka faqriga ah ee aan iska bixin karin deymaha (HIPC Initiative).

Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa labo sano ka hor sheegtay in Soomaaliya ay gaartay marxaladda u qalmidda deyn cafinta ee wadamada fakhriga ah, markaas oo Soomaaliya noqotay dalka 37-aad ee caalamka ee gaara heerkaan dayn cafinta.

Hayeeshee, qorshahaas oo ku dhawaad muddo 10 sano ah soo maray marxalado kala duwan, ayaa hadda khatar ugu jira inuu burburo, isla-markaana, wax kama jiraan laga qaado, in ka badan afar waji oo barnaamijka (SMPs) oo hore looga soo gudbay.

Farmaajo wuxuu siyaabo kala duwan ugu faanay inuu ka shaqeeyay hannaankaan, isagoo ka been sheegaya runta iyo marxaladihii uu soo maray, Staff-Monitored Program (SMP), waase xaqiiq, in barnaamika deyn cafinta uu hadda khatar uu isagu sababay wajahayo.

KEYDMEIDA ONLONE

Commenting is not available in this channel entry.