Dani oo shacabka KGS ku qasbay u codeynta Ururka KAAH   

Puntland ayaa isku deyeysa in ay ka been abuurato doorasho qof iyo cod ah, si ay isaga meerto eedaha nin jecleysi ee ku daabannaa doorashooyinkii Maamulkaasi ka dhacay tan iyo markii dhidibada loo taagay.

Warar Keydmedia Online
Dani oo shacabka KGS ku qasbay u codeynta Ururka KAAH   

QARDHO, Soomaaliya - Doorashadan qofka iyo codka ah ayaa ah mid beel walba ay ugu codeyneyso xisbiga uu wato hoggaamiyaha ka soo jeeda, iyadoo beelaha ugu tunka weyn ee Majeerteen uu mid waliba lee yahay Xisbi, taasoo meesha ka saareysa doorsho dimuquraadiyadeed oo ka dhacda degaannadaasi.

Tusaale,  xisbiga KAAH, waxaa leh beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Dani, waxana codadka uu xisbigaasi helayo ugu shubaya heybtiisa oo degta Gobolka Karkaar sida magaalada Qardho, halka Xisbiga Horseedna ay leedahay beesha uu ku abtirsado Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Faroole, isagoo ku tashanaya cododka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Durba, waxaa soo baxaya fashilka sanaadiiqdii la dhigay degmooyinka Ufeyl, Eyl iyo Qardho, kuwaasoo sheegaya in xisbi walba uu ka helay codadka jufada leh ama uu ka soo jeedo ninka hoggaamiya xisbigaasi.

Dhinaca kale Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ayaa Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Dani ku eedenaya inuu qaab qasab ah kaararka codeynta ku siiyey dad barakacayaal ah oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, si uu xisbigiisa guul uga soo hoyo doorashada golaha deeggaanka, maadaama uu rumeysan yahay in aysan ku filneyn codadka heybta uu ka soo jeedo.

Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ah kuwa lagu dhibaateeyo gayiga Puntland ayey siyaasiyiintan ugu baaqeen, inuusan Dani ka dhigan jaran jaro meel sarre xisbigiisa ka  gaarsiisa doorashadda golaha deggaanka ee bilawday, iyagoo KEYDMEDIA ONLINE u xaqiijiyey in badi dadkaasi la qasbay.

Dani ayaa ku takri-falaya xuquuqda barakacayaasha, isagoo daruuf adag dhaxal siiyey labadii casho ee ugu danbeysay maadaama codeynta ay ahayd mid bilaabaneysay xilli aroor ah soona idlaaneysay gabal dhicii, waxana taasi ay keentay in laga hor istaago raadsashada nolosha maalin laha ah, mana jirin xitaa tasiilaad yar oo la siiyey si ay ugu maareeyaan noloshooda.

Ugu danbeyntii Puntland ayaa dadaal badan ku bixineysa in ay la baratanto doorashooyinkii ka dhacay Maamulka gooni isu taagga ku dhawaaqay ee Somaliland, waxaase taasi diidaya ayaa la leeyahay nidaamkii qori isku dhiibka ahaa ee taxanaha u ahaa beelaha, Cumar Maxamuud, Cismaan Maxamuud iyo Ciise Maxamuud, oo iyagu in ka badan 20 sano isku bad badalyey hoggaanka maamulkaasi, waana tan ku riixeysa in ay bilaabaan doorasho aan laga run sheegin oo ah qof iyo cod, isla-markaana huwan shaati qabiil oo muuqda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.