Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo xil loo magacaabay

Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo markale xil looga magacaabay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo xil loo magacaabay

MUQDISHO, Soomaaliya - Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya horayna looga eryay xafiiskiisa ayaa loo magacaabay in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.” ayaa lagu yiri warbixinta oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.