Dawladda Soomaaliya wey “Khiyaantay Shacabka Jubboyinka”

Muqdisho (KON) - Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa ka hadleen Heshiiska ay Dowladda la gashay sidee sheegeen "Beel gaar ah" oo ay ka wadaan Kooxda Axmed Madoobe.
Warar Keydmedia Online
Dawladda Soomaaliya wey “Khiyaantay Shacabka Jubboyinka”

Siyaasi Maxamuud Daahir Faarax oo ka mid ah Siyasiyiinta Jubbooyinka oo la hadlay Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho ayaa waxauu ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in ay Saxiixday Qodobo abuuraya Xaalad dhibaato iyo Dagaal Hor leh taasina ay tahay Khiyaamo ay Dowladdu ku sameysay Shacabka ku Nool Gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale Axmed Cusmaan Cadalla Axmed Inji Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in wax Xal ah haba yaraatee aysan ku jirin qodobadii ka soo baxay wadahadaladii Magaalada Adisa Ababa.

Axmed Inji Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay dambi ka gashay Shacabka ku dhaqan Gobolada Jubbooyinka waa sida uu hadalka u yiri.

Eedeynta Siyaasiyiinta qaarkood ee ka soo jeeda Jubbooyinka ay u jeediyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay imaaneysaa Xili Shalay Magaalada Adis ababa ee Wadanka Itoobiya lagu soo gaba gabeeyay heshiiyay Awood-qeybsi Dhaqaale ee Gobolada Jubbooyinka ee wali lagu muransanyahay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho | Shabelle