Dayactir lagu samaynayo Beerta Nabada Soomaaliya

Muqdisho (KON) Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan dhib u dhis lagu samaynayo Beerta Nabada Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Dayactir lagu samaynayo Beerta Nabada Soomaaliya

 

Maxamuud Axmed Nuur ayaa sheegay in haatan xoogaa dib u dhis ah lagu sameeyay Beertaan isla markaana haatan uu ku socdo dayactir, wuxuuna sheegay in dayactirkaan ay iska kaashanayaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo waliba maamulka gobalka banaadir.

Tarsan ayaa wuxuu intaasi uu ku siidaray hadalkiisa maadaama laga baxay xiligii dagaalada iyo colaadaha in haatan ay bilowdeen in la sameeyo goobaha Nabada lagu xuso.

Beerta Nabada Soomaaliya oo ku taala degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir ayaa horay xukuumada Soomaaliya waxay ugu samaysay xoogaa dayactir ah, waxaana nodhaan beertaasi lagu qabtay banaanbax balaaran oo uu ka soo qaybgalay Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho