Deegaanno ka tirsan Galmudug oo dagaal beeleedyo ay ka billowdeen

Deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa laga soo sheegayaa in maalintii labaad uu ka socdo dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan.

Warar Keydmedia Online
Deegaanno ka tirsan Galmudug oo dagaal beeleedyo ay ka billowdeen

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Deegaanada Galmudug ayaa maalintii labaad waxaa ka socda dagaal beeleed ay dad badani ku dhinteen.

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaa ka badana way ku dhaawacmeen ka dib Dagaal xooggan oo xoolo dhaqato Galmudug ka tirsan ku dhex maray duleedka Deegaanka loo yaqaan Baraag Ciise ee dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Sida Keydmedia Online ay u xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karo 2 maalin ka hor ayey saan-saanta dagaalkani soo bilowday waxaa uuna salka ku haayaa aanooyin qabiil.

Maleeshiyaadka ku daagaallamaya halkaasi ayaa dhowr jeer oo hore waxa uu dagaallo sidan oo kale ah ku dhexmaray deegaano kale oo ku dhaw dhaw goobta hadda la isku hayo.

Bulshada deegaanadaas ayaa ku baaqaya in dagaalka oo weli socda la joojiyo.

Maamulka Galmudug iyo kan Gobolka mudug wali war kama soo saarin sidii colaadaas loo xakamayn lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.