Deg deg: dagaal ka qarxay duuleedka Bacaadweyn

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar rogaal celis ah ku soo qaaday tuulada Sabeenno gawrac, oo ka mid ah degaannadii saaka lagala wareegay.

Warar Keydmedia Online
Deg deg: dagaal ka qarxay duuleedka Bacaadweyn

Bacaadweyn, Soomaaliya - Dagaal culus ayaa hadda ka billowday duuleedka degaanka Bacadweyn oo saaka ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug kala wareegeen Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijinyaan dadka degaanka xabadda ayaa hadda ka socota tuulada loo yaqaan Sabeenno gawrac, oo hoos tagta Magaalada Bacadweyn ee koofurta Gobolka Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar rogaal celis ah ku soo qaadday degaanka, waxaana si weyn loo maqlayaa dhawaq rasaasta.

Al-Shabaab, ayaa si weyn isugu ballaarineysay koofurta Gobolka Mudug bilihii la soo dhaafay, goobaha uu hadda dagaalku ka socdo ayaana ah meelaha ay aadka ugu xooganaayeen.

Wixii war ah oo ku soo kordha dagaalka Sabeenno gawrac, kala soco bogga wararka Keydmedia.net.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.