Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho

Rasaas culus ayaa la maqlay qaraxa kadib, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidanka ay xireen wadada KM4 ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan nooca uu yahay.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in uu ka dhashay jawaan walxo qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay meel ku dhaw Isgoyska KM4 oo ah wado halbowle ah oo isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo Villa Somalia.

Sidoo kale, waxaa jira warar kale oo sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari kaasoo ku qarxay inta u dhaxaysa KM4 iyo Isgoyska Taleex.

Fahfaahin, kala soco wararka dambe ee KON.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.