Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa ka dhacay xero lagu tababaro ciidanka Dowladda oo ku taalla Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qof nafti hallige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa, isku miidaamiyay xerada tababarrada ee Gen Dhaga-badan, oo hore loogu aqoon jiray Xero-Nacnac.

Sida ay sheegayaan warar hor dhac ah, waxaa jira qasaaro aad u xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dhalinyaro uu tababar uga socday Xerada.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegayaa, in uu ka mid ahaa ciidamada tababarku u socday, hayeeshee uu hoos kala shaqeynayay Kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa wuxuu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada kumaandoska ee loo yaqaan Gorgor.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo u badan dhalinyarada xerada ku xareysneyd, halka uu dhawaac soo gaaray tiro intaas ka badan.

Xerada uu qaraxu ka dhacay ee ku taalla xaruntii hore ee Warshadda Nacnaca ee degmada wadajir, ayaa u dhow, xerada tababarka ee Turkisom, taas oo lagu diyaaro askarta ka mid noqoneysa ciidamada Gorgor iyo Haramcad.

Laamaha Ammaanka ayaa dhagaha ka fureystay digniinno amni oo soo baxay dhawaanahaan, amniga caasimadda ayaana u muuqda mid faraha ka baxay todobaadyadii la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.