Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Qarax is miidaamin ah ayaa ka dhacaay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo lala beegsaday maqaaxi lagu shaaxo oo ku taalla degmada Shibis.

Warar Keydmedia Online
Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qof nafti hallige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku miidaamiyay goob lagu shaaxo oo ku taalla degmada Shibis, gaar ahaa isgoyska Juba, ee magaalada Muqdisho.

Ku dhawaaad 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tir intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Goobta qaraxu ka dhacay oo ah maqaaxi ay ku shaaxaan dadka danyarta ah ayaa la sheegay in ruuxa ismiidaamiyay oo iska dhigayay qof Jaad cunaya uu is qarxiyay, kadib markii ay maqaaxida soo galeen askar ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaaliya.

Burbur baaxad weyn ayaa soo gaaray dhimayaashii ka agdhawaa goobta qaruxu ka dhacay.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii uu soo baxay war sheegaya in ay magaalada ku jiraan qaraxyo, waxaana si is daba jog ah u soo baxaya digniino si hoose loogu dirayo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Jooga Caasimadda, kuwaas oo looga digayo qaraxyo hor leh.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxda Dowladda Fadaraalka ayaa u muuqda in ay indha ka daboolayaan amni darrada ku sii siyaadeyda Muqdisho, waxayna ku guuldareysteen fashilinta dhow qarax oo digniintoodu hor u soo baxday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.