Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Mucaaradka oo hadda saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu baaqday dibad-bixii lagu ballansnaa inuu birri ka dhaco caasimadda Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ku dhawaaqay in la baajiyay Mudaharaadkii ay hore u iclaamiyeen ee loo ballansanaa inuu birri oo Sabti ah ka dhaco Taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Mucaaradka oo galabta shir ja’aaid ku qabtay huteel Jasiira ayaa sheegay in Dowladdu ka baxday ballantii ay qaaday ee aheyd in ay amaanka Mudaharaadka sugto, sidaas daraaddeed dib loo dhigay dibad-bixa.
Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ku xigeynkiisa Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay sababo la xariira amniga Masuuliyiinta iyo dadka shacabka ah in ay u hakiyeen bannaan-baxa.
Mucaaraadku waxa ay taageerayaashooda u sheegeen in aysan ka tanaasulin Mudaharaadka oo ay soo sheegi doonaan xilliga ku habboon, waxa ayna carrabka ku dhufteen in ay amnigooda iyaga sugan doonan.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba xiray waddooyinka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments