Wariye Koronto oo la siidaayay

Muqdisho (KON) Wariye Cabdicasiis C/nuur Ibraahim Koronto ayaa maanta dib u helay xuriyadiisa ka dib markii la sii daayay.
Warar Keydmedia Online
Wariye Koronto oo la siidaayay

Koronto ayaa Maantay lasoo taagay Maxkamada Sare ee Dalka, waxeyna Maxkamadu sheegtay in ay ku waysay Qariyaha wax dambi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in dambi baarayaashii ku lugta lahaa dacwadda loo haystay weriyaha ay marin-habaabiyeen maxkamadda.

Shantii Bishii lasoo dhaafay ayaa Maxkamada gobalka Banaadir waxay Xukun ku riday Wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) oo ka mid ahaa Suxufiyiinta magaalada Muqdisho, waxaana maxkamadu ay ku xukuntahy 1 Sano oo xarig ah, ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku been abuurtay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Kadib Maxakamada Racfaanka ayaa Wariye Koronto ku xakuntay 6-bilood oo xa rig ah.

Kiiska Wariye Koronto oo mudo soo jiitamayay ayaa wuxuu ka soo bilowday ka dib markii Wariyuhu uu Waraysi ka qaaday haweenay sheegtay in ay kufsadeen Askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, isla markaana qayb ka ahayd dadka degan xero barakac oo ku taala degmada hodan ee gobalka Banaadir.

Wariyaha ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay xuriyadiisa oo uu maanta dib u helay.

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho