Beled-Xaawo oo dagaal foolaneysa

Cabsi dagaal ayaa waxey ka taagan tahay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana halkaas is hortaagan Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa DFS. 

Warar Keydmedia Online
Beled-Xaawo oo dagaal foolaneysa

Cabsi dagaal ayaa laga daremaya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, waxeyna goobjoogayaal la hadlay Keydmedia Online sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay cabsi dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Jubbaland iyo kuwa DFS.

Jubbaland ayaa ciidankeeda geysay duleedka degmadaasi, kuwaasi oo qaarkood ay ka yimaadeen dhanka Jubbooyinka, halka kuwii ku sugnaa aagga Mandhera ay iyaguna soo dhaqaaqeen.

Dhammaan ciidanka Jubbaland ayaa hadda heegan ku jira banaanka Beled-Xaawo. halka ciidanka DFS oo aad u badan ay iyaguna ku sugan yihiin degmadaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa dooneysa iney awood uga saarto ciidanka DFS degmada Beled-Xaawo, halka DFS ay dooneyso iney guud ahaan goboka Gedo dagaal ku qabsato.

Farmaajo oo aan ku socon qaran ahaan ayaa doonaya in Gedo uu ku qabsado awood isaga oo adeegsanaya ciidanka qaranka, balse fulinaya danaha beeshiisa.

Kumanaan askari oo qaarkooda lagu soo tababarey Eritrea ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu daad-gureeyay gobolka Gedo, kuwaasoo xiisad ka abuuray xadka Kenya iyo Soomaaliya.

DF ayaa xoojisay Ciidamada ka jooga Gedo oo sanadkan ay kala wareegtay degmooyinkiisa maamulka Axmed Madoobe uu dhisay ee Jubbaland, waxaana tallaabada uu Farmaajo ku geeyay Ciidanka gobolka sii kordhisay Xiisaddii Soomaaliya iyo Kenya u dhaxaysay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.