Horumarinta Dekada Muqdisho

Muqdisho KON) Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska wadanka Muxudiin Maxamed kaalmoy ayaa sheegay in haatan qalab casri ah la keenayo dekada magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Horumarinta Dekada Muqdisho

Muxudiin Maxamed Kaalmoy ayaa sheegay in dekada magaalada Muqdisho hormarinweyn lagu samayn doono isla markaana qalab ka maqan la keeni doono.

“waxaa jira qalab ka maqan dekada magaalada Muqdisho dhowaan ayaa la keeni doonaa qalabkaasi waxaana ka keenaynaa wadanka Jabuuti”sidaasi waxaa yiri wasiirka wasaarada howlaha guud.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dekada magaalada Muqdisho uu kormeer ku tagay isla markaana shaqadeeda ay haatan si wanaagsan u socoto.

Dekada caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howlo badan waxaana dekada ganacsatada Soomaaliyeed ay kala soo dagaan alaabahooda, iyadoona sidoo kale wax laga dhoofiyo.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho