Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Tirada xoolaha maanta la dhoofiyay ayaa gaaraya 804 neef oo dhamaantoodna wada ah xoolaha loo layaqaano lo’da oo markab loogu talo galay dhoofinta xoolaha nool looga qaaday dekada Muqdisho si uu ugaarsiiyo dalka Cumaan.
Guddoomiyaha Shirkada Soomaali Livestock oo ah shirkada dhoofinayso xoolaha C/rashiid Cabdi Cabdulaahi ayaa si kooban usheegay inay ku faraxsan yihiin xoolo nool oo markii saddexaad ay ka dhoofinayaan dekada Muqdisho,isaga oo xusay inay siiwadi doonaan dhoofinta xoolaha oo kor uqaadaya sida uu sheegay ganacsiga Soomaaliya.
Xoolaha nool ee dalka laga dhoofiyo ayaa horay looga dhoofin jiray dekada magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso halka dekada Muqdisho ay saameyn ku yeesheen dagaaladii Soomaaliya.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments