Deni oo lagu eedeeyay fulinta danaha imaaradka

Cabdixakiin Dhoobo Daareed, Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, ayaa Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in uu fulinayo siyaasadda dalka Imaraadka.

Warar Keydmedia Online
Deni oo lagu eedeeyay fulinta danaha imaaradka

Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo la hadlayay telefishinka Somali Cable, ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ku eedeeyay in uu Muqdisho u joogo sidii uu fulin lahaa danaha Imaraadka uu ka leeyahay Soomaaliya. 

“Madaxweyne Deni Muqdisho uma joogo wax u qabadka danaha umadda Somaliyeed ama reer Puntland, ee wuxuu halkaas u joogaa sidii uu u carqaladayn lahaa heshiiska la gaaray iyo inuu ilaaliyo danaha Imaaraatka,” ayuu Cabdixakiin Dhoobo Daareed yiri. 

Dhoobo Daareed oo xilka laga qaaday sanadkii lasoo dhaafay, ayaa marar badan Deni ku eedeeyay in uu mushaar ka qaato Imaraadka. 

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.