Deni: Farmaajo ha cadeysto mowqifkiisa

Wuxuu caddeeyay in Farmaajo uu si buuxda Baarlamaanka hortiisa ugu wareejiyay, Ra’iisul wasaare Rooble mas’uuliyadda Amniga iyo doorashooyinka dalka, kaddib qalalaasihii bishii April ee sanandkan 2021 ka dhacay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Deni: Farmaajo ha cadeysto mowqifkiisa

GAROOWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdulahi Deni oo maanta ka hadlayay khilaafka hareeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in loo baahanyahay in looga dambeeyo amniga qaranka iyo hawlaha doorashada Ra’iisul Wasaaraha.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad looga hadlayay doorashada qof iyo codka ah ee ka dhici doonta deegaanno ka tirsan maamulka Puntland ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in heshiiskii la gaaray uu u fulo sidii loogu talagalay.

Wuxuu caddeeyay in Farmaajo uu si buuxda Baarlamaanka hortiisa ugu wareejiyay, Ra’iisul wasaare Rooble mas’uuliyadda Amniga iyo doorashooyinka dalka, kaddib qalalaasihii bishii April ee sanandkan 2021 ka dhacay Muqdisho.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah, waxay27, bishii May ee sannadkan, Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habraacyo doorasho oo dhigaya, in doorashada iyo amniga dalka uu Ra’iisul Wasaaraha, wixii lagu heshiiyay runtii inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas saxiixay.” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Damacii Farmaajo iyo kooxdiisa ee ahaa muddo kororsigii dhicisoobay, oo ay fashiliyeen ciidamadii Badbaado Qaran, waxay ku qasabtay, in amniga guud ee dalka uu ku wareejiyo Rooble, balse gabood fallada ay ku kaceen xubno ka tirsan kooxdiisa oo uu ugu horreeyo Fahad Yaasiin, markii uu ka falceliyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu shaqo joojinta ku sameeyay Fahad, Farmaajo ayaa bilaabay difaacista Fahad, taas oo kuu muujineysa sida ay kaalin ugu leeyihiin kiiska Ikraan Tahliil iyo kuwo kale oo badan.

Madaxwenaha Galmudug oo Muqdisho xafiis ka dhigtay ayaa kamid ahaa rag isku soo dhaweeynayay labada dhinac, waxaana lagu tiriyaa gacanta midig ee Fahad iyo Farmaajo, wuxuusan war u aheyn maamulka uu ugu magacaaban yahay hoggaanka, oo uu ka doorbiday la dhacleynta kooxo lagu tilmaamo dhiig miirato kursi jaceyl ah oo aan looga baran waxqabad, balse dilal shirqool ah u geysata shaqaalaha dowladda.

Hadalka Deni, ayaa ku soo aadaya xilli aan wax natiijo ah laga gaarin waan-waantii laga dhex waday Farmaajo iyo Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.