Deni oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka

Warar Keydmedia Online
Deni oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa galabnimadii Jimcaha ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo Shirka Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu dhawaan ka furmo caasimadda Soomaaliya.

Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey ugu sugnaa caasimada kuwaasoo u diyaar garoobay in ay ka qeyb galaan shirka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaan weli soo gaarin magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maalinimada berri ah uu soo gaaro magaalda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.