Deni oo yimid Muqdisho isagoo Ciidan wato

Garoonka diyaaradaha waxaa buux-dhaafiyay Ciidanka Puntland ka yimid oo hubkooda laga yaabey.

Warar Keydmedia Online
Deni oo yimid Muqdisho isagoo Ciidan wato

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhaw Muqdisho kasoo degay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ilaalo gaar ah wato, kuwaasoo uga soo horeeyay magaaladda.

Axmed Madoobe ayaa isna maalmo kahor soo gaarey Muqdisho, isagoo iska soo hormariyay Ciidan aad u hubeysan oo Kismaayo ka yimid.

"Madaxwaynayaasha maamul goboleedyada waxay Muqdishu la imaan jireen 4-5 ilaalo dharcad ah. Ma jirin baahi ama kalsooni daro ay usoo wataan ciidan ilaalo ah," ayuu yiri Cali Cumar oo ah Xildhibaan katirsan BFS.

Deni ayaa ka qeybgali doono Shirka u dhaxeeya Farmaajo iyo Madaxda Maamullada dalka kaasoo looga hadli doono arrimaha doorashadda iyo sidii lagu xalin lahaa khilaafka taagan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.