Deni: Xamar Amni iyo nadaafad midna kama jiro

Waa markii labaad oo hogaamiyaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sawir xun ka bixiyo Caasimadda dalka, oo hadda marti uu ku yahay isaga iyo Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online
Deni: Xamar Amni iyo nadaafad midna kama jiro

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka hadlayay kulan isaga lagu soo dhaweynayay, oo ay Beelaha dega Caasimadda u samaayeen ayaa sheegay in Farmaajo aan lagu eedeyn karin dhibaatada Muqdisho ka jirta, oo amni la'aanta kamid tahay.

Deni ayaa sheegay in Xamar aan ka jirin amni iyo nadaafad toona, laguna eedeyn karin Farmaajo oo ku difaacay inuu ku saxan yahay dhibaatooyinka uu u horseeday shacabka Muqdisho, oo bixiya canshuurta ay dowladdiisa ku shaqeyso.

"Xamar amni kama jiro, nadaafad kama jirto, waa in laga shaqeeyaa in wax laga bedello sida ay hadda tahay, oo lagu soo celiyaa maqaamkeedii hore," ayuu yiri Deni, oo hadalkiisa u muuqday in ku liidayo dadka degan magaaladda.

Munaasabadda qado sharafta ee lagu soo dhoweynayay Deni iyo Axmed Madoobe waxaa fadhiyay madax Muqdisho kasoo jeeda, oo ay kamid yihiin Xasan Sheekh, CC Shakuur, Cali Mahdi iyo Xildhibaano badan.

Maalmo kahor ayay ahayd markii uu Deni yiri: Wax isbedel ah kama dhicin Muqdisho afartii sano ee aan anigu ka maqnaa, waan soo marayay jidadkeeda, wali waxaa ku go'an dhagxaan, shacabkuna way baqayaan, amni ma haystaan". [Halkan ka akhari Warka]

Muqdisho ma ahan midii hore Maanta, marka laga eego dhinaca horumarka waxaa si xowlo ah ku socda ganaciga iyo dhismaha daaro dhaadheer oo waligeed laga dhisin intii ay jirtay, iyadoo amniguna ka wanaagsan yahay siduu ahaa sanado kahor.

Dhacdooyinka amni darrada meel walba oo kamid ah Soomaaliya ayay ka dhacaan, tusaale Puntland oo Madaxweyne ka yahay Deni waxaa sanadkaan ka dhacay labo weerar oo Is-miidaamin ahaa, oo lagu dilay gudoomiyeyaashii Nugaal iyo Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.