DF iyo Jubbaland indhaha ka daawanaya gardarrada Kenya

Askarta Kenya ee ku sugan dalka waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 4,000, kuwaasoo tacadiyo kala duwan lagu eedeeyay inay ka geysteen Gedo iyo meelaha ay ay ka howlgalaan, iyagoo duqeymo ku laayay dad iyo duunyo.

Warar Keydmedia Online
DF iyo Jubbaland indhaha ka daawanaya gardarrada Kenya

CEELWAQ, Soomaaliya - Dadka ku nool gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin milatariga Kenya ay maalmihii la soo dhaafay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen dhulka miyiga ah ee u dhow magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Warbaahinta Qaranka, ayaa laba maalin ka hor sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen tuulooyinka Meri, Labi-Jaw, Abroon, Qolqola-Cali iyo Warbeelle oo hoos yimaada magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyagoo dilay xoolo, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo mas’uuliyiinta gobolka.

Keydmedia Online, waxa ay xasuusataa, in 10 June 2021, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Cusmaan Dubbe, oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, uu Dowladda Kenya, uga digay in ay duqeymo ka geysato gudaha dalka Soomaaliya.

"Kenya waxaanu u sheegeynaa in aysan kusoo xad gudbin hawada Soomaaliya, waxaan kaloo u sheegeynaa in aysan fulin duqeyn dambe oo aysan la socodsiin dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM". Ayuu xilligaas yiri Wasiirka Warfaafinta.

Hayeeshee, hadalka dhawaan lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda, aya u muuqday  mid ay Dowladdu u aragtay arrin caadi , mana jirto cid ka hadashay falkan waxashnimada ah. KON, ma xaqiijin karto in Kenya ay DF iyo AMISOM, la wadaagtay deqymaha ay ka fulineyso gudaha Soomaaliya.

25 September 2021, Sarkaal sare oo katirsan Xukuumadda Nayroobi, ayaa u sheegay Daily Nation,  in Uhuru uu qaadici doona go'aanka badda ee laga sugayo Maxakamadda ICJ, 12-ka bisha October 2021, wixii xilligaas ka danbeeyana Kenya waxa ay wadday xasuuqa shacabka.

AMISOM waxay soo gashay Soomaaliya 2007, Si ay Dowladda Soomaaliya kaga taageerto la dagaallanka Al Shabaab iyo kooxaha kale ee xag jirka ah. Wadamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM waxaa ka mid ah Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa loo qorsheeyay in ay baxaan December 2021 kadib markii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay kordhiyeen mudadii hore loo qabtay oo ahayd 28-ka Febraayo.

Xiriirka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa caadi ku soo laabtay dhawaan, kadib markii Farmaajo uu muddo ku rafanaya xiriirka dalalka dariska ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.