DF iyo Puntland oo ku shiraya Garoowe

Madax ka socota Dowladda Federaalka iyo mas'uuliyiinta ugu sarreysa Dowlad goboleeka Puntland ayaa ku shira magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

Warar Keydmedia Online
DF iyo Puntland oo ku shiraya Garoowe

GAROOWE, Soomaaliya - Shir ay albaabadu u xiran yihiin ayaa wuxuu maalintii koowaad ka socdaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. Shirka ayaa u dhaxeeya Ra'iisulwasaaraha Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha dibadda DF iyo Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash.

Wafdi uu hoggaaminayo RW Rooble ayaa maalin kahor gaaray Garoowe si ay wada-xaajood ku aaddan cilaaqaadka DF iyo Puntland oo xumaaday sanadihii u dambeeyay ay u yeeshaan, waxaa jirta in muran xooggan uu ka jiro guddigii doorashooyinka ee uu RW Rooble soo magacaabay bil kahor kaasoo ku xareysan hotel ku yaal Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Deni ayaa diiddan gabi ahaanba xubnaha guddiga uu soo magacaabay RW Rooble isagoo ku eedeenaya in xafiisyada RW iyo kan Madaxweynaha laga soo kala xulay, sidoo kale waxa uu garab taagan yahay dowlad goboleedka Jubbaland oo iyaduna ku doodaysa in gobolka Gedo loo madax-banneeyo maamulkiisa, halka madaxweyne Farmaajo uu doonayo in uu isagu maamulo qeyb kamida Jubbaland taasoo ka careysiisay Axmed Madoobe hoggaamiya Jubbaland,

Shirka oo albaabadu u xiran yihiin islamarkaana aan loo ogolaan warbaahinta ayaa ka socda xarunta madaxtooyada Puntland. lamana oga natiijada kasoo bixi doonta shirka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.