Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Soomaaliya ayaa dibadda looga leeyahay lacag lagu qiyaasay $4.6 illaa 5 billion oo dollar, lacagtaas oo qaateen dawladihii hore ee dalka, oo ugu badnaa nidaamkii kaligii-taliska Siyaad Barre.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo sii hayaha Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa shalay kawada hadlay arrimo ku saabsan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan deyn-cafinta.
"Wakiilka UN-ka James Swan iyo ku xigeenkiisa Adam Abdelmoula waxay la kulmeen Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle, oo ah kawada hadleen arrimo badan, oo ay kamid tahay dib u habeynta dhaqaalaha iyo deyn-cafinta," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.
UNSOM - Xafiiska Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku dhawdahay heerkii ugu dambeeyay ee hanaanka deyn-cafinta [Completion Point], taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo dhanka horumarka dalka loo qaadey.
Soomaaliya ayaa dibadda looga leeyahay $4.6 illaa 5 billion oo dollar, lacagtaas oo qaateen dawladihii hore ee dalka, oo ugu badnaa nidaamkii kaligii-taliska Siyaad Barre.
Dawladda Mareykanka oo kaliya waxay ku leedahay dalka $1 billion, waxayna Safaaradeeda Muqdisho dhawaan shaacisay inay heshiis deyn-cafin inay la gashay dawladda Soomaaliya, kaasoo uu saxiixay Beyle, iyadoo RW Rooble goobjoog ka ahaa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments