Kenya is Somalia’s true friend, says diplomat
Kooxda Al-Shabaab ayaa shacabka abaaruhu ku saameeyeen degaannada ay xukumaan u diiday in ay u hayaamaan magaalooyinka Dowladda iyo Maamulladu gacanta ku hayaan, si ay nolol uga raadsadaan kaamadka hay’adaha bini’adannimo iyo DF diyaariyeen.
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ku eedeysay in dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaannada ay gacanta ku hayaan u diideen in ay u barakacaan magaalooyinka ay DF iyo DXDF ku diyaariyeen adeegyada gurmadka iyo gargaarka bani’aadannimo.
Xuseen Macalin Maxmuud oo dhawaan loo magacaabay La-taliyaha dhanka amniga qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan degaannada ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab, aysan awoodin in ay soo gaaraan xerooyinka barakacayaasha loo diyaariyay.
“Al-Shabaab haddii ay Muslinimo iyo bani’aadannimo wax ka yaqaanaan ha joojiyaan hor istaagga shacabka ka soo qaxaya macluusha, oo soo aadaya goobaha ay dawladdu gurmadka ugu diyaarisay”. Ayuu Xuseen Macalin ku yiri qoraal gaaban oo uu ku qaray boggiisa Twitter-ka, kana fal celinayay muuqaal uu baahiyay wariye Jamaal Cismaan.
Dhawaan ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa isagoo warbixin ka siinaya arrimaha abaaraha Golayaasha Baarlamaanka sheegay in dadka abaaraha ka barakacaya dhibaato kala kulmayaan Al-Shabaab.
Todobo malyan iyo boqol kun oo qof oo Soomaali ah ay abaaruhu saameeyeen, dhammaan gobollada dakana ay ka taagan yihiin xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid iyo gurmad degdeg ah u baahan. Hal malyan iyo bar ka mid ah dadkaas waa carruur, kuwaas oo 400,000 oo ka mid ah ay nafa-darro hadda wajahayaan xilligaan.
In ka badan 860,000 oo qof ayaa abaar awgeed uga barakacay guryahooda, una baahan hoy, cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah, taasoo xaaladda sii xumeyn karta haddii Al-Shabaab sida Dowladdu sheegtay dadka u diidaan in nolol u raadsadaan magaalooyinka ay Dowladda iyo Maamulladu gacanta ku hayaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments