DF oo beenisay eedeymo kaga yimid guddiga fatahaadaha Hirshabeelle

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay eedeymo kaga yimid guddiga fatahaadaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Warar Keydmedia Online
DF oo beenisay eedeymo kaga yimid guddiga fatahaadaha Hirshabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya - War-Saxaafadeed ayey Dowladda dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda kasoo saareen eedeyn ka timid Guddiga Fatahaadaha Maamulka Hirshabeelle oo ku aaddan lacago loogu talagalay in wax looga qabto fatahaadaha.

Wasaaradda maaliyadda ayaa iska fogeysay in ay xayirtay howshii mashruuca ka hortagga fatahaadaha ee Wabiga Shabeelle, waxayna guddiga eedeynta usoo jeediyay ka dalbatay in ay caddeymo ka keenaan eedaha loo soo jeediyay mas'uuliyiinta wasaaradda.

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dowladda dhexe gaar ahaan wasiir Bayle oo xayiraad saaray mashruuc loogu talagalay ka hirtagga Fatahaadaha, sidaas oo kale Guddi loo xil saaray fatahaadaha ayaa isna ku eedeeyay wasaaradda maaliyadda in ay is hirtaag ku sameeyeen mashruucaas.

Halkan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka wasaaradda

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.