DF oo beenisay warbixintii Q.M.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warbixintii dhawaan ay daabacday Qaramada Midoobay ee ku saabsaneed in ciidamo Soomaaliyeed ay ka dagaalameen Itiibiya

Warar Keydmedia Online
DF oo beenisay warbixintii Q.M.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa shir jaraa’id oo uu goordhow qabtay ku xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay tababarka ugu maqan yihiin dalka Eratariya, isagoo sheegay in la siyaasadeynayo Ciidamada tababarka ku maqan, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inay jiraan Ciidamo Soomaali ah oo ka dagaalamay Gobolka Tigray.

Dubbe ayaa ku dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka in ay siyaasadeynayaan tababarka ciidamada, sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in si qasab ah loo qoray ciidan, waxa uuna carrabka ku adkeeyay, sida sharcigu qabo dadka aan qornay oo wiilal iyo gabdho isugu jira waxay ahaayeen qaan-gaar, miyir qaba, oo go'aansaday dalkooda in ay u adeegaan.

Dubbe ayaa dhagaha ka fureystay baroorta iyo oohinta waalidiinta saakay isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, waxa uuna ku celceliyay in aysan jirin ciidan tababar loo qaaday oo ka dagallamay gobolka Tigreega.

Bilooyin ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale shir jaraa’id uu qabtay wasiir Dubbe oo kaga gaabsaday inuu carabaabo dalalka ay Ciidamada tababarka ugu maqan yihiin inay ka mid tahay Eratariya, balse waxa uu sheegay in ay jiraan waddamo dhowra oo ciidamda dowladdu tababar ugu maqan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.