DF oo beenisay in siyaasad loo jaray Internet-ka

Internet-ka ayaa hawada laga saarey saacado kadib markii Kheyre xilka laga qaadey, oo baraha bulshada qabsaday hadal-heynta isbedelka dhacay, oo ahaa mid aan horey loo arag intii ay jirtay dawladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
DF oo beenisay in siyaasad loo jaray Internet-ka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Boosta, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Eng Canshuur ayaa gaashaanka u daruuray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in dawladda si kutala-gal ay u jartay Internet-ka, kadib xilka-qaadistii Kheyre sabtidii lasoo dhaafay.

Wasiirka wuxuu beeniyay in arrimo siyaasadeed loo hakiyay adeegga Internet-ka, isagoo xusay in cilad ay timid taasoo ka dhacday fiiladda Fiber Optic ee marta bada hoosteeda, wuxuuna shacabka la wadaagay in lagu guuleystay xalinta ciladda.

Shirkadaha bixiya Internet-ka Muqdisho ayaa qoraall raali-gelin ah u diray macaamiishooda, kadib markii uu maanta si rasmi ah usoo laabtay Internet-ka Koonfurta Soomaaliya oo mudo labo maalmood ah ka maqnaa, iyadoo ay dadka aad ugu dhibtooday maqnaashihiisa.

Siyaasadda kacsan ee ka jirta Muqdisho ayaa suurta-gal ka dhigaysa in dawladda ku dhaqaaqdo tallaabo kasta oo ay uga horgtayso mowjadaha uga soo furma shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, oo aad u adeegsada baraha bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.