DF oo beenisay warka soo qabashada Saadaq Joon

Wasiirka Amniga Soomaaliya DF Xasan Xunudbey oo shir jaraa’id qabtay isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa si rasmi ah u sheegay in dowladda aysan weerari doonin ama aysan soo qaban doonin Janaraal Saadaq Cumar Xassan (Joon).

Warar Keydmedia Online
DF oo beenisay warka soo qabashada Saadaq Joon

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga xukuumadda xil gaarsiinta dowladda Soomaaliya Xasan Xundubey oo shir jaraa'id ku qabtay gurigiisa ayaa beeniyey in ay dowladdu weyrareyso Saadaq Joon, markii horena uusan qorshahaasi jirin, waxaana xaqiiq ah in Saadaq oo ka baxsanaya ciidamo soo weeraray gurigiisa uu salka lasoo galay Xaafadda Shiirkole.

“Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan, taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab ka qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado, meesha hadda uu degan yahay oo xaafado bulsho nabdoon degan yihiin ah in la weeraro wax dan ah oo ku jiro malahan,” ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiir Xundubey ayaa hadalkiisa intii uu waday waxa uu eedeeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay hurinayaan xaaladda dalka, isagoo ula jeeda xildhibaanadii mucaaradka ahaa ee xalay tagay guriga Saadaq John islamarkaana shirka jaraa'id qabtay, waxa uuna ku yiri "Howshaas faraha kala baxa oo ha siyaasadeenina"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].