DF oo bilowday in dhagxaanta ay ka qaaddo waddooyinka Muqdisho

Labo sano ayeey dhagxaantaan yaalleen goobaha hadda laga qaaday, iyadoo weli kuwo kale oo badan ay harsan yihiin.

Warar Keydmedia Online
DF oo bilowday in dhagxaanta ay ka qaaddo waddooyinka Muqdisho

MUQDISHO, KON - Kadib warbixn ay dhowaan baahisay Keydmedia Online, islamarkaana looga dalbaday madaxweyne Farmaajo in waddooyinka uu furo ka hor inta aanu talada ka tagin, ayaa sababtay in deg-deg looga jawaabo, maadaama warbixintu ay ku qotontay dareenka ay bulshada ka qabaan waddooyinkaan.

Xalay ayaa mar qura waxay bulshada Muqdisho ku baraarugeen iyadoo dhagxaantan laga qaadayo qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho, iyadoo marar badan dhibaato ay ku qabeen shacabka.

Meelaha dhagxaanta laga qaaday ayaa kala ah, Isyoysyada Digfeer, Sheekh Cali Suufi, Tarabuunka iyo meel ku dhow danwadaagaha.

Dhammaan dhagxaantii halkaasi yaallay ayaa laga qaaday, muddo Labo sano ah kadib.

Weli waxaa xiran waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dalka, waxaana DFS looga fadhiyaa in howshan ay dhammeystirto.

Maxamed Abukar Islow, ku simaha Wasiirka Amniga ayaa isagu lahaa mashruuca dhagxaantan lagu xirayo waddooyinka, maadaama uu leeyahay shirkadda sameysa dhagaxyadan.

Shacabka ayaa u arka tani iney tahay qeyb ka mid ah culeyskii hayey oo laga qafiidiyey, balse sidoo kale ay sugayaan in magaalada oo dhan laga qaado dhagxaanta, waddooyinkana loo furo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.