DF oo Ciidamo geystay Jowhar kahor doorashadda HirShabeelle

Maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu afduubayo doorashadda HirShabeelle, oo loo wado shaqi katirsan dowladda, oo lagu bedelayo Maxamed Cabdi Waare oo waqtigiisa sii dhamaanayo.

Warar Keydmedia Online
DF oo Ciidamo geystay Jowhar kahor doorashadda HirShabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Dowladda ayaa Ciidan kuwa Mareykanka uu tababaray ee DANAB u dirtay magaaladda Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeedka uu yahay in lagula wareego doorashadda HirShabeelle oo dhawaan la qabanayo.

Ciidankan oo diyaardo lagu geeyay Jowhar ayaa saldhiyo ka sameystay duleedka degmada, waxaana jira walaac dhanka amniga ah, oo ay qabaan shacabka iyo Mas'uuliyiinta HirShabeelle oo sheegay in fareglin lagu sameynayo hanaanka amniga.

Farmaajo oo ay haystaan dhibaatooyin iyo cadaadis uga imaanaya mucaaradka iyo Beesha Caalamka ayaa isku dayaya inuu awoodii kusii dheganaado, iyadoo mudo xileedkiisa dastuuriga uu ku egyahay Febuary 2021, oo kaharsan 5 bilood.

Horey waxay dowladdiisa u fareglisay doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxayna hadda isku diyaarinaysaa HirShabeelle kadib markii ay ku fashilantay Jubaland iyo Puntland inay gacanteeda gaarto.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.