DF oo Ciidankeeda kala soo baxday Dhuusamareeb

Qaar kamida Madaxda Maamullada, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Deni ayaa walaac ka muujiyay joojigaanka Ciidanka Haramcad, oo Turkiga uu tababarey.

Warar Keydmedia Online
DF oo Ciidankeeda kala soo baxday Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Dhuusamareeb maanta kala soo baxday ku dhawaad 200 oo askari oo katirsan Haramcad, kuwaasoo dib loogu soo celiyay Muqdisho, oo markii hore laga qaadey kahor doorashadii Qoor-Qoor Febuary 2020.

Madax shanta Maamul ee HirShabeelle, Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaa la filayaa in berri magaaladda uga furmo shir muhiim ah, oo uga tashanayaan mowqifkooda ku aadan arrimaha doorashooyinka sida aadka ah khilaafka uga abuuray dalka.

Amniga Dhuusamareeb waxaa la wareegay Ciidanka Galmudug iyo kuwa ay wataan wafuudda, waxaana wararka ay sheegayaan inuu jiri karo dib u dhac kulanka ku imaan kara, maadaama berri dambe ay Jimco tahay, oo madaxda qaarna illa hadda tagin Dhuusamareeb.

Laamaha amaanka Galmudug ayaa bandow geliyay Magaaladda, waxaana la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha si looga hortago weerar inuu ka dhaco kaasoo lagu carqaladeynayo kulanka Madaxda Maamullada.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.