DF oo dagaal iclaamisay

Wasiirka amniga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in dowladdu ay dooneysay in ay ka baaqsato dagaalka balse dhinaca kale ay diideen

Warar Keydmedia Online
DF oo dagaal iclaamisay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo goor dhow ka hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda ay isku dayday in ay ka baaqsato in lagu dhex dagaallamo shacabka, isagoo ciidanka muddo kororsiga diidanna ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan barakicinta shacabka qeybo ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay talaabo ka qaadi doonto kuwa uu ku sheegay in ay yihiin malleeshiyaad oo dhiiri-gelinaya argagixisada, isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Hadalkan Wasiirka ayaa u muuqday mid dagaal oo xiisadii ka jirtay magaalada Muqdisho sii hurineysa, waxaana uu ku soo aaday, iyadoo saacadihii la soo dhaafay si aad looga barakacayey degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, kaddib markii ciidanka ka soo horjeeda kuwa dowladda ay farriisimo hor leh ka sameysteen goobahaas.

Xalay ayuu RW Rooble ku baaqay in wada-hadal lagu xalliyo, isagoo ururrada bulshada rayidka ka codsaday in ay dhexdhexaadin ka sameeyaan shaqaaqadii dhacday maalmihii lasoo dhaafay.

Hadalka RW ayaa u muuqda mid aan meelna laga soo qaadin, marka loo eego caga-jugleynta wasiirkiisa amniga Xundubey oo ku gooddiyay in tallaabo laga qaadi doono ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsan muddo kordhinta islamakaana uu ku tilmaamay maleeshiyaad.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].