DF oo dhaawacyadii Wisil uqaadday Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabtay diyaarad uga soo qaadday magaalada Gaalkacyo dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay degaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
DF oo dhaawacyadii Wisil uqaadday Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Kudhawaad 15 qof oo ku dhaawacmay degaanka Wisil ayaa galabta loo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad khaas ah looga soo diray caasimada dalka ee Muqdisho.

Dhaawacyadaan ayaa laga qaadey Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dadkii dhaawacyada ambabixiye ka mid ahaa Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala.

Degaanka Wisil ayaa waxaa dagaal qaraxyo ku billowday kusoo qaaday dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana halkaasi lagu dilay qaar kamida ciidamadii dowladda Soomaaliya ee dagaalka kala hortagay iyo dadkii shacabka ahaa ee degganaa degaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Dhaawacyada galabtay loo qaaday magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo xaaladdooda caafimaad ay liidato, waxayna isugu jireen dad shacab ah iyo ciidankii dagaallamayay, iyadoo kooxdii weerarka soo qaadday ay isaga carareen degaanka ay weerarka kusoo qaadeen iyagoo markii ay baxayeen miino ku aasay waddada dhinaceeda, taasoo ay ku qaraxday dadkii iyo ciidankii ceersanayay haraadiga kooxda weerarka soo qaaday oo si dirqi ah uga baxsadah halkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.