DF oo furtay Xaashidda Dhaqtarka ee Dhaawac Muujinta

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka ayaa shaaciyay in uu daahfuray Xaashidda Dhaqtarka ee Dhaawac Muujinta. 

Warar Keydmedia Online
DF oo furtay Xaashidda Dhaqtarka ee Dhaawac Muujinta

Sida Warbaahinta codka Dowladda Federaalka ayaa shaacisay, Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa daahfuray xaashida dhaqtarka ee dhaawac Muujinta, taaso xoojinaysa danbi-oogista, danbi barista iyo cilmiga forensikada ee dhibanayaasha loo gaystay xad-gudubyada ku saabsan Jinsiga.

Xaashida dhaawac muujinta ayaa dib u casriyeen lagu sameeyay sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud.

“Waraaqda Dhaawac muujinta ee aan maanta daah fureyno waxa weeye, qeyb ka mid ah hanaanka loogu talagalay in cadaaladda lagu gaaro, markaan ka hadleyno hannaankaas cadaaladda lagu gaarayo ee la xiriirsan xaashida caafimaadku, warqadda xaashida caafimaadka warqad ku cusub ma ahan isticmaalkeeda dalka Soomaaliya, laakiin waxaa la dhigay mid casri ah” ayaa lagu qoray Warka kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud. 

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.