DF oo heshiis is afgarad ah la saxiixatay Imaaraatka

Dowladda Federaalka ayaa heshiis is afgarad ah la saxiixatay dowladda Imaaraatka Carabta oo xiriirkoodu xumaaday saddex sano kahor!

Warar Keydmedia Online
DF oo heshiis is afgarad ah la saxiixatay Imaaraatka

MUQDISHI, Soomaaliya - Waaxda Sirdoonka Maaliyadda we dowladda Imaaraadka Carabta loona yaqaan (UAE FIU) ayaa heshiis is afgarad ah (MOU) la saxiixatay Xarunta Warbixinta Maaliyadda ee Soomaaliya (FRC).

Heshiiskan ayey labada dhinac isaga kaashan doona La-dagaallanka Dembiyadda Maaliyadeed, Lacagaha la dhaqo iyo Dhaqaalaha loo xawilo Kooxaha Argagixisada.

Heshiiskan waxaa u saxiixay dowladda Imaaraatka Carabta Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka (UAE FIU), Cali Fasal Ba Calaawi, dhinaca dowladda Soomaaliyana waxaa u saxiixay Agaasimaha Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC), Aamina Cali.

Is afgaradkan ayaa noqonaya xiriirkii ugu horreeyay muddo sanado ah kaddib oo labada dowladood xiriirkoodu xumaaday, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku eedeysaa Imaaraat iney faragalin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo si gaara lagu eedeeyo in ay dhaqaale siiso kooxaha mucaaradka ee ka aragtida duwan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.