DF oo jawaab ka bixisay Askar la sheegay in ay Canshuur qaadayeen

Saacadihii u dambeeyay waxaa baraha ay bulshadu ku xiriirto la hadal hayay sawir lagu sheegay inuu ahaa askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo canshuur ka qaadaya guri ay dadkii dagganaa ay uga carareen biyo kusoo fatahay!

Warar Keydmedia Online
DF oo jawaab ka bixisay Askar la sheegay in ay Canshuur qaadayeen

MUQDISHO, Soomaaliya - Halkani waxaa lagu sheegay ilinka muwaadin deggan Muqdisho. Ciidanku waxay ka doonayaan lacag $300 (Saddex boqol oo dollar) oo ay ku sheegeen qaaraan jid lagu dhisiyo.

Warkan ayaa saacadihii u dambeeyay lagu baahinayay baraha ay bulshadu ku xiriirto, waxaana ka hadlay siyaasiyiin caan ah, iyagoo dowladda ku dhaliilay in ay canshuurta ka qaadaan shacabka aan waxba loogu qaban, taa baddalkeedana qoysaskii dhibaatadu kasoo gaartay roobab xoog leh oo da'ay ayaa canshuur qaaraan ah la weydiinayaa oo waddo lagu dhiso!

Hayeeshee warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa billowday daqiiqadihii u dambeeyay baahinta war ka duwan midkii hore, waxayna ku sheegeen in  Askar ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo u gurmanaya Qoysas ay saamaysay Fatahaad ka dhalatay Roobab ka da’ay magaalada Baladwayne Sannadkii hore.

Lama hubo sax ahaanshiyaha warkan, balse dhinacyada wax dhaliilaya ayaa ku doodaya in sawirkan uu yahay mid la qaaday xilli dhaw, waana maalin kaddib markii uu Muqdisho ka curtay roobkii Guga ee sanadkan 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].