DF oo jawaab ka bixisay falkii lagu burburiyay Hoyga Xamar

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Jijaar ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii qeybta Waliyow Cade ee Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Siyaad.

Warar Keydmedia Online
DF oo jawaab ka bixisay falkii lagu burburiyay Hoyga Xamar

MUQDISHO Soomaaliya - Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar ayaa kadib dhacdadii Iskuulka Hoyga Xamar lagu burburiyay shalay, ka qaaday xilkii uu u hayay Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Siyaad.

Taliyihii qeybta Waliyow Cade ee Booliska Soomaaliya waxaa loo magaacabay Yaasiin Nuur Kheyre oo loo yaqaan Yaasiin Ganeey.

Taliyaha Booliska ayaa shalay sheegay in si dagdag ah uu jawaab uga bixin doono qaladka dhacay qeybta isaga ka quseysa ee Booliska la xariirta, wuxuuna ballan qaadkiisii xilka kaga qaaday Bashiir Cabdi.

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo tixraacaysa warqad ka soo baxday Garyaqaanka Guud  ayaa amartay sida wararka sheegayaan in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo dhacdaan iyo dhinacyada ku lugta leh.

Sida Keydmedia hore u warisay Wasaarada waxbarashada ayaa shaacisay in Dowladdu ay qaadatay mas’uuliyadda dib u dhiska qeybaha laga burburiyey iskuulka Hoyga Xamar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.