DF oo ka hadashay in qaraarkii Golaha Shacabka uu sidiisii yahay

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay inuusan marnaba isbadal ku imaan qaraarkii Golaha Shacabka ee 12 April kaasoo ay muddo kordhin ugu sameeyeen hay'adaha Dowladda.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka hadashay in qaraarkii Golaha Shacabka uu sidiisii yahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in marnaba uusan isbedel ku imaan qaraarkii Golaha Shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyay hay'adaha dowladda, waxa uuna carrabka ku adkeeyay inay muhiim tahay doorasho wada-ogol ah oo waddanka ka qabsoonta

Waxa kale oo uu meesha ka saaray in madaxweynaha Farmaajo uu kala hadlay dhiggiisa Koongo qaraarkii Golaha Shacabka BJFS “Doorashada mid dadban iyo mid toos ahba waa inay ahaataa mid la isku raacsan yahay oo natiijadeeda ay noqoto mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan, waxna iskama beddelin go’aankii uu garay baarlamaanka,” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo u warramayay idaacadda BBC -da.

Wasiirku waxa uu ku cel-celiyay inay lagama maarman tahay in doorashada Soomaaliya nooceey ahaataba ay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay, hadalkaasi ayaa u muuqda in uusan waxba iska baddalin go'aankii hoggaamiyaha Villa Somalia oo wajahaya xilligan cadaadis badan oo ka imaanaya Beesha Caalamka.

Madaxweynaha waddanka Koongo ahna hoggaamiyaha xilligan ee Midowga Afrika ayaa kulan ka la qaatay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana madaxtooyada Koongo ay sheegtay in Villa Somalia ay dalbatay kulanka, waxayna sheegtay in uu codsaday in la dhexdhexaadiyo madaxweynaha Soomaaliya iyo mucaaradka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa war qoraala soo saartay waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ku dhawaaqay in DF oo tix-galineysa dadallada ay qabaneyso doorasho waqtigeeda ku dhacda “Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaaqay ‘Dowladda federaalka ayada oo tix-gelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo," ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.